Ciidamada Ddowladda Somalia oo howlgal ku dilay horjooge Maracadde iyo ilaaladiisa

Ciidamada Ddowladda

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta Mudug, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab howlgalkan oo ahaa mid aad qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye, kadib markii ciidamada huwanta ay waddada u galeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku socdaalayay halkaasi

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab howlgalkan ayaa gudaha loogu galay deegaanno ay Khawaarijtu joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Ciidanka ayaa galay waddo

Sidoo kale waxaa la sii raaciyay “Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Khawaarijta ee Mudug iyo Galguduud

Magaca horjoogaha la dilay ayay dowladda ku sheegtay  Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde), waxaana lala dilay sarkaal kale oo ajnabi ahaa iyo 5 xubnood oo ilaalo u ahaa horjoogaha oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa

Waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka ciidamada howlgalan qaaday oo markii hore ka baxay Xarardheer ayaa dib usoo laabtay, kadib markii ay soo dileen sarkaalkaas iyo ilaaladiisa

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug” ayaa lagu soo gabagabeeyay howlgalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan Al-Shabaab ay dib u qabsadeen magaalooyin waa weyn oo horay looga saaray, kadib markii ay isaga soo baxay ciidamada, kuwaa soo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka

Post a Comment

0 Comments