Maxkamadda Racfaanka oo xukuno ku riday mas’uuliyiintii ugu badnayd, kadib markii lagu helay masuq-maasuq

Maxkamadda Racfaanka

 Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir 

 Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno adag ku ridday mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Banaadir mas’uuliyiinta la xukumay ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxayna dacwaddooda soo socotay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay

Maxkamadda Racfaanka ayaa kiisaskan ka yeelatay laba dacwadood

Maxkamadda Racfaanka ayaa kiisaskan ka yeelatay laba dacwadood, waxayna maanta kasoo saartay xukuno kala duwan oo xabsi ah dacwqadda 1-aad oo ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ay maanta ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur iyo Cabdullaahi Maxmuud Cosuble hal Sano oo Xarrig ah

Saabir Xasan Cabdinuur aya isna lagu riday xukun ah labo Sano

Saabir Xasan Cabdinuur aya isna lagu riday xukun ah labo Sano iyo 6 bilood oo xarrig ah, halka Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay Sidoo kale maxkamadda ayaa dacwadda 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi ayaa xukun ku soo oogtay saddex eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis iyo maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah

Abuukar Maxamed Cali ayaa waxaa lagu xukumay 6 sano oo xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo xarrig hal Sano ah lagu xukumay iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhamaan eedeymaha loo jeediyay Weli waxaa jira saraakiil kale oo loo haysto musuq-maasu1, kuwaas oo qaarkood ay maqanayaal yihiin, waxaana gacanta ku haysa Maxkamadda Gobolka Banaadir

Post a Comment

0 Comments