Saraakiil ajaaniib ah oo lagu laayey duqeyn ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe

Kooxda Alshabaab

 Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo lala beegsaday xubnaha kooxda Al-Shabaab ay ka dhacday deegaanka Carabow oo hoostaga gobolkaasi, halkaas oo lagu laayay xubnaha fara badan duqeynta ayaa lasoo wariyay in lala bartilmaameedsaday goob ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana gaaray dhimasho iyo dhaawac

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha duqeynta

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha duqeynta lau dilay ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ahaa oo ka barbar dagaalamayay kooxda, isla markaana ku sugnaa halkaasi Sidoo kale waxaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay sheegeen in duqeyntaas lagu laayay illaa 20 dagaalame oo ku sugnaa deegaanka la duqeeyay

Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale la burburiyay

Inta uu weerarka socday waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad milatari oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Carabow oo ah halka ay ka dhacday duqeynta dadka deegaanka waxa ay sheegeen in aan la tegi karin goobaha lala dhacay gantaallada, balse waxa ay xaqiijiyeen inay maqlayeen dhawaqa duqeynta oo ahayd mid culus

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas lagula eegtay gobolka Jubbada Dhexe dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin duqeyntaasi lasoo wariyay in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad iyo saraakiil Shabaab ahaa

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca duqeymo diyaaradeed oo lala beegsado kooxda, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xoogan

Post a Comment

0 Comments