Howl-gallo culus oo ka socda degaano ka tirsan HirShabelle

Kooxda alshabaab

 Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ka wadaan deegaano ka tirsan maamulka HirShabeelle taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Faarax Waasige Kooshin oo ka warbixiyay howl-gallada socda, ayaa waxa uu sheegay in howl-gallo ka dhacay gobolka Hiiraan kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay waxyeelo kala duwan

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii

Sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaano badan oo hoostaga Aadan Yabaal, Ceel Cali Axmed, Buq-aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle Howl-galladaasi ayuu sheegay in dagaal-yahaanada kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, kuwaasi ii naf iyo maalba leh

Korneyl Faarax Kooshin ayaa ugu dambeyntiina

Korneyl Faarax Kooshin ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka ku nool deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ugu baaqay in ay garab istaagaan ciidanka xoogga dalka, islamarkaana ay kaalintooda ka qaataan dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-gallada lagu cirib-tirayo Al-Shabaab, 

Kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan, xilli uu dhawaan bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan ku jiray gacanta kooxda

Post a Comment

0 Comments