Dowladda somalia oo qaaday tallaabo culus oo lagu soo afjarayo Shabaabka ku sugan

Dowladda somalia

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo maanta ka socda aagga magaalada Camaarka ee koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka howlgallada ayaa xoogooda waxa ay ka socdaan inta u dhexeysa deegaanada Camaara iyo Caad, halkaas oo ay weeraro kasoo abaabulaan xubnaha kooxda Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka uu yahay ka hortegga weerarada Al-Shabaab kasoo qaadaan halkaasi, kuwaas oo u badan hoobiyeyaal Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay ka war hayaan meelaha ku dhuumaaleysanaan maleeshiyada kooxda, balse ay soo afjari doonaan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee laga dareemayo halkaasi

Gobollada Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf ay iska kaashanayaan dowladda, Galmudug iyo dadka deegaanka, kuwaas oo dhul ballaaran looga saaray Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments