Hay’adda NISA oo shaacisay arrin weyn oo ka dambeysa fatashaada Hormuud


Hay’adda NISA

Hay’adda NISA ayaa soo saartay bayaan deg deg ah

Hay’adda NISA ayaa soo saartay bayaan deg deg ah, kaasi oo ay uga jawaabeyso qoraal kasoo baxay shirkadda Hormuud iyo fatashaadii ay shalay ciidanka NISA ku sameeyeen xarun kamid ah kuwa shirkada NISA ayaa sheegtay in shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaq-dhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, kadib markii Hormuud ay ka codsatay dhibaatada ay kala kulanto Al-Shabaab

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada

Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran

Waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada

Post a Comment

0 Comments