Dhaqaale xumadii u darneyd oo soo wajahday Shabaab, qaadayna tallaabo cusub

 
Kooxda Alshabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay wajaheyso dhaqaale xumadii ugu darneyd, kadib markii ay dowladda ku qaaday kooxda dagaal dhanka dhaqaalaha dowladda ayaa ku guuleysatay in ay xirto in ka badan 350 akoon banki iyo sidoo kale 405 lambatp telefoono ay kooxda u isticmaali jirtay qaadista lacagaha ay ka qaado ganacsatada, kuwaasi oo xilligaan intood badan la joojiyay.

Sidoo kale waxay dowladda xirtay intuu socdo dagaalka dhaqaale ee ka dhanka kooxda Al-Shabaab ku dhowaad 20 xisaabo ganacsi oo ay dhex marsan jiraan lacagaha ay ka qaadan ganacsatada Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda, ayaa iyada oo soo xiganeysa illo sirdoon ay kooxda wajaheyso dhaqaale xumo, islamarkaana ay laba jirbaartay lacagaha ay ka qaadan dadka ku nool deegaanada ay hadda gacanta ku hayso kooxda

Waxaa gabaabsi kusii dhow keydkii yaraa 

Waxaa gabaabsi kusii dhow keydkii yaraa ee fududeynta howlaha kharbudaada, waxayna dantu biday in ay ku dadaalan dhaqaalihii dhulka lala jaray,” ayaa lagu yiri warbixinta dowladda warbixintan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay in kooxda ay billowday dhaqaale abuur uu noociisa ku cusub yahay Soomaaliya, iyada oo deegaanada ay weli maamulaan ka bilaabeen inay canshuuraan xabaalaha lagu aaso dadka dhintay

Warbixinta ay baahisay warbaahinta dowladda,

Warbixinta ay baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa illo sirdoon ayaa waxa kale oo lagu shaaciyay in kooxda ay laba jibaartay lacagaha ay ka qaado gaadiidka, waraha biyaha iyo sayladaha xoolaha, iyaga oo cinwaan uga dhigay “xabsiga ama xoolaha bixi ilaha dhaqaale ee hadda u soo raacay Khawaarijta waa kontaroolada gaadiidka ay ku baartaan, meheradaha ganacsi, sayladaha xoolaha, guryaha iyo xabaalaha

Post a Comment

0 Comments