Amaro kasoo kala baxay dowladda iyo Al-Shabaab oo jahwareer ka abuuray Xamar

 
Kooxda alshabaab

Ganacsatada magaalada Muqdisho

Maalmo kahor ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu amray in ay goobohooda ganacsi ku xiraan kaamiradaha muuqaallada duuba ee loo yaqaanno CCTV, iyadoo dowladdu ay sheegtay in loogagol leeyahay sababo ami muddadii loo qabtay ganacsatada in ay ku xiraan muuqaal duubayaasha ayaa soo idlaatay, iyadoo haatan albaabada la’isugu dhuftay dukaamo badan oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Ganacsatada ayaa ku doodaya in ay noqdeen dherigii labada dhinac ka gubtay, iyadoo dhinaca kale Al-shabaab ay soo saareen awaamiir ay ganacsatada uga digayaan in ay meheradahooda ku xiraan kaameradaha ay dowladdu amartay waxaa soo baxayay warar sheegaya in qaraxyo lagu xiray goobo gancsi oo kaamerado lagu xiray iyo kuwo la qarxiyay intaba

Mid kamida ganacsatada oo la hadlay BBC-da

Mid kamida ganacsatada oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay saameyn weyn ku yeelatay amarrada kala duwan ee loo adeegsanayo ganacsatada iyo in ay meel dhexe ku dhumaan muddo laga joogo toddobaad ayaa nalagu amray in aan kaamiradu ku xirno goobeheenna ganacsi, anagana wey suura geli weyday, waxaana noo timid qolo noo sheegtay in ay yihiin nabad sugid,” ayuu yiri nin kamid ah ganacsatada

Wuxuu sheegay ganacsadahaan in nabad sugidda Soomaaliya ay ku amartay milkiilayaasha dukaamada in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV, amaba ay la kulmi doonaan ganaaxyo culus arrintaan ayay sheegeen in ay saameyn ku yeelatay ganacsiooda maadaama la gaaray waqti uu sheegay in loo qabtay si ay amarka u fuliyaan

Dowladda Soomaaliya ayaa sababo amni ku macneysay 

Dowladda Soomaaliya ayaa sababo amni ku macneysay amarka dul yaalla ganacsatada, hase yeeshee ganacsatadu waxa ay qabaan aragti taas kaduwan anagu ma diiddanin in aan kaameradaha xiranno, hase yeeshee sababo amni ayeysan noogu suura geli karin culeysyo kale ayaa jira, amniga waddankana waan iska ognahay xaaladdiisa, qolana in ay ku tiraahdo kaamerado xir qolana ay diidaan waa mid annaga dhib nagu ah

Mar aan weydiinnay in ay jiraan digniino kaga yimid dhinaca Al-shabaab ayuu yiri inta aan kawar qabo majirto digniin shaqsiyan noosoo gaartay marka lagasoo tago tan dowladda, laakiin waxaa jira warar badan oo baraha bulshada la’isla dhex marayo cabsina nagu abuuri kara 

Macaamiisha dukaamadooda ayey sheegeen in u baahanyihiin dukaameysi, isla markaana ay lasoo xiriirayaan, waxaase ay sheegeen in aysan awoodi karaan in dukamaada ay furaan si ay wax u iibiyaan dowladda waxa aan leenahay haddii aad rabtaan in aad amaan sugtaan kameradihiinna ku xirta tabeellooyinka ku yaalla magaalada, cadaadiska iyo cabsi gelinta hanaga daayaan”, ayuu yiri ganacsadahau ku daray hadalkiisa

Post a Comment

0 Comments