Layaabka aduunka 40-Jir afar Iyo afartan carruur ah dhashay

Dhacdooyinka aduunka

  Haweeney aad u yar oo aan wali gaadhin heerka lagu duqoobo ayaa noqotay hooyada ugu carruurta badan qaarada afrika iyo dunidaba ka dib markii haweenaydani iyadoo afartan jir da’deedu tahay ay nooqtay hooyo afartan iyo afar carruur ah dhashay hooyadan oo u dhalatay dalka uganda laguna magacaabo Mariam Nabanzi 

Waxa ay ilmaheedi ugu horeeyay dhashay iyadoo sadex iyo toban jir da’deedu tahay waxaanay carruurteeda intooda badani yihiin mataano sadex afar iyo labo isugu jira waxaanay sidaa ku noqotay qofka ama haweenayda ugu dhasha badan aduunka hooyadan ayaa sida la sheegay sideed iyo sodon ka mid ah carruurtaasi ay u nool yihiin

Kuwaas oo dhamaantood kula wada nool hal guri oo ay ka degan tahay meel miyiga ah oo ku taala dhulka harooyinka waaweyn loogu yeedho ee badhtamaha qaarada Afrika haweenaydan ayaa la guursaday ama ilmaheedi ugu horaysay dhashay sanadkii 1994-kii ka dibna labo sano ayay ku dhashay afar mataanood iyo sadex mataanood waxaanay wakhti yar gudihii ku yeelatay carruur dhawr iyo toban da’doodu ka badan tahay

Hooyo Mariam ayaa dhalmadan badan ee Carruurteeda aan iyadu wax layaab leh u arag, waxaanay sheegtay inay hido u leedahay oo hooyadeed habar yaraheed iyo qoyskooda oo dhami wada dhali jireen carruur tiro badan, waxaaan xasuustaa hooyaeday oo shan iyo afartan caruur ah dhashay ayay tidhi haweenaydan oo warbaahintu waraysatay sida ay sheegtay waxa ay hooyadani yaraanteedi ku hamiyi jirtay inay lix carruur ah oo kaliya dhasho

Laakiin uurkeedi lixaad ayay carruurteedi sideed iyo toban qof gaadheen waxaanay taasi meesha ka saartay wixii ay jeclayd waxaanay isu badashay riyadeedi mid ay carruur badan ku jeclaatay ilaa ay afartanka kor u dhaaftay hooyadan ayaa sheegtay in dhakhtarkeeda gaar ahi kula taliyay inay wax walba sidooda u dayso oo aanay dhalmada iska joojin sababtoo ah? 

Waxa ay taasi ku keeni doontaa caafimaad daro nafteeda soo waajahda ayuu dhakhtarku u sheegay sida ay warbaahintu u cadaysay waxaanay taasi keentay inay raacdo taladii dhakhtarka oo ay carruurtu ku badato dhalmadiina sii wadato sida warbaahintu sheegtay carruurtan waxa ugu wayn sideed iyo toban jir 

Waxaana ugu yar ka halka sano jira, waxaanay wakhtigan la daalaa dhacaysa koriinkooda iyo barbaarintooda hasa yeeshee snaadihii ugu danbeeyay ayay soo dhex galeen mudanayaal ka tirsan barlaamaanka dalkaa iyo meelo kale oo aduunyarada ah kuwaas oo gar gaar lacageed oo wax u taray ku caawiyay

Post a Comment

0 Comments