Ronaldo ayaa naftiisa u bandhigay Saint-Germain

 

kala iibsiga ciyaartooyda

Masiirka Cristiano Ronaldo, xiddiga Manchester United, weli waa qarsoodi, dhowr toddobaad ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.


Wargeyska Le Parisien ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa wuxuu shaaca ka qaaday war deg deg ah oo sheegaya in Ronaldo uu adeegiisa u soo bandhigay Paris Saint-Germain maalmihii lasoo dhaafay.
 
Wargayska ayaa intaa ku daray “Laakiin ma jirto meel uu haatan xiddiga reer Portugal kaga jiro liiska kooxda Paris”.
 
Waxaa sidoo kale la sheegay in "Don" uu doonayo inuu ka tago kooxda Ingiriiska, kaliya hal sano ka dib markii uu ka soo laabtay Juventus.
 
Warbixinada saxaafada Ingiriiska ayaa tilmaamaya in Cristiano Ronaldo uusan dooneyn inuu sii wato, isagoo ka soo horjeeda dhaq-dhaqaaqa maamulka kooxda ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
 
Le Parisien ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Jorge Mendes oo ah wakiilka xiddiga reer Portugal uu xiriir adag la leeyahay Nasser Al-Khelaifi oo ah madaxweynaha PSG iyo Luis Campos oo ah la taliyaha cusub ee kooxda Faransiiska.

Post a Comment

0 Comments