Barcelona ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiiska Lewandowski

 

sooqa kala iibsiga


Barcelona ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso heshiiska weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, ka dib wadahadalo xoogan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay la galeen kooxdiisa Bayern Munich.

Saxafiga ka tirsan barnaamijka Isbaanishka ee “Alchiringito”, Jose Alvarez, ayaa xaqiijiyay in heshiiska maamulka Barcelona iyo Bayern ee ku saabsan wareejinta Lewandowski la soo gabagabeyn doono maalmo gudahood.

Waxa uu daaha ka qaaday in kooxda reer Catalonia ay doonayso inay dhamaystirto heshiiska ka hor 12-ka July.

Bayern ayaa diiday dalab labaad oo uga yimid Barcelona si ay u hesho adeega Lewandowski, kaasoo xilli ciyaareed uga haray Bayern, 40 milyan oo Yuuro, marka lagu daro 5 milyan oo kale oo doorsoomayaal ah, isagoo ku adkeystay inuu helo 50 milyan oo Yuuro 33-sano jirkaan ayaa ka tagaya weeraryahanka heerka caalami ee dalka...

Bayern ayaa 32 milyan oo Yuuro kaga soo iibsatay Liverpool weeraryahanka Senegal Sadio Mane, ilaa 41 milyan oo doorsoomayaal ah, iyadoo la og yahay inuu sidoo kale sannad ka hadhsan yahay Reds.



Post a Comment

0 Comments