Yaasiin Farey & fahad yasiin iyo farmaajo oo bilaabey wareesiyo ay ku doonaayaan in ay cadaalad uga baxsadaan

 

Yaasiin Farey & fahad yasiin iyo farmaajo

Ku simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horeysay bixiyey wareysi uu qeybo ka mid ah uga hadlay kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo maqan mudo ku dhow hal sano

Yaasiin Farey ayaa ku adkeystay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-Shabaab, isagoo sheegay in arrintaas ay ku ogaadeen baaritaan uu sameeyey intii uu ahaa Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir.

Sida lawada ogyahay Farmaajo & hayadiisa NISA ayaa diiday in dacwada loo gudbiyo maxkamada ciidamada qalabka sida,sidaas darteedna aysan jirin wax cadeyn ah oo loo gudbiyay hay’adaha garsoorka cafiska uu weydiistey yaasiin fareey iyo beeninta in ahy dileen ayaa ah labo waji aan meel wada galeen

Shalay yasiin farey maanta Fahad berrina Farmaajo. taxanaha wareysiyada qoladii NN waxa uu salka ku hayaa sadex qodob oo muhiim ah

Ka hortaga dacwadaha ku soo socda ee kiisaskii gabood falka ahaa ee ay gaysteen inta ay xilka hayeen ikraan tahliil, Baydhabo, CCW, diyaarad ka dejintii iyo weerarkii madaxdii hore xaalad abuurkii bosaaso iyo Kismaayo, hawo ka xirirstii kismaayo Cunaqabatayntii Somaliland iyo ku takri faladii awooda ciidanka

 Marin habaabinta caamada iyo hadii lana soo dacweeyo ama wax uun naloo qabsado ogadaa xaqdaro ayaa nalaku haystaa

 Mida ugu dambaysa oo ah inay waraysigooda inta badan ku saleeyaan wax ayaan wanaajinay iyo dowladnimada waanu la shaqayn been abuur ah dhamaantood sababta ay xildhibaan u noqdeen ayaa ah inay xasanada ku gabadaan lakin xasanada waa la iska xayuubin doonaa

yaasiin farey haduu run sheegayo wareysi ha siiyo dadka xirfada leh oo qofka ay waraysanaayaan karkarin yaqaan su'alo iyo jawaabo uu isagu soo barax tiray yuu nala soo hor fariisan Falaari gilgilasho kaagama harto ama wareysi bixiya ama dalka ka maqnaada marna u malayn maayo in sidaas la idinku ilaawi doono

hadalka uu Yaasiin Fary ka sheegay arrinta Ikraan Tahliil waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, HAYADA NISA iyo Farmaajo ay diideen in kiiska loo gudbiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sidaas darteedna aysan jirin wax cadeymo ah oo loo gudbiyay Garsoorka, ma aysan jirin

Mar la weydiiyay Frey in hay’addu u isticmaasho arrimo siyaasadeed, sida weerarkii xarunta dhexe ee xisbiga Wadjar Abdel Rahman Abdel Shakour, Frey ayaa ku jawaabay in uusan ka hadli karin dhacdooyinkii dhacay ka hor inta uusan la wareegin shaqada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka taasi oo cadeeysey in uu qarinaayo ama uu difaacaayo kuwii geestey falkaas argagaxiso

 

Post a Comment

0 Comments