Soomaaliya oo dib u soo ceshatey xiriirka ay la leheed beesha caalamka

 

somaliya oo bilaabdey ka gudubka marxaladii farmaajo

Soomaaliya ayaa ku soo noqotey meesheedhi horey kadib markii uu ku guuleestey Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hugaaminta dalka guushaan ayaa soo celisey wax badan oo soomaaliya ay waaysey dawldii qaswade oo ay kamid tahay in ay heshay hub casri ah oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale 100 milyan oo doolar oo taageero hordhac ah ka helay Midowga Yurub iyo beesha caalmka deeqdhaan oo horey looga jarey dalka

Soomaaliya waxay heshay hub casri ah oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida, waxaana u sii dheer 100 milyan oo doolar oo taageero hordhac ah ka helay Midowga Yurub kadib markii uu Madaxweyne HSM la wareegay xilka madaxtinimada.

Kadib kulakii manta dhaxmarey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Kristina Svensson oo ay kawad hadleen xoojinta wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Kristina Svensson ayaa tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Xasan SheekhMaxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada, waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.

 Sidhookale Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qalab ciidan ka guddoomay howlgalka Midowga Yurub ee lagu dhisayo tayada ciidamada xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay kobcinta tayada ciidanka, isagoo xusay in guulaha ay gaarayaan ciidamada xoogga dalka ay qeyb ka tahay adeegsiga qalab casri ah iyo hub casri ah.

Cunaqabateynta hubka iyo joojinta taageeradii milateri ee Soomaaliya ayaa keentay in Al-Shabaab ay la wareegto qeybo badan oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ilaa iyo caasimadda Muqdisho soo celinta deeqaha hubka iyo maaliyada waxa ay soomaaliya ka caawin doontaa sifeenta alshabaab

Farmaajo iyo maamulkiisa ayaa sabab u noqday in xaaladda Soomaaliya ay xumaato kadib markii dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya ay ka jareen taageeradii dhaqaale iyo mid ciidan.

 

 

Post a Comment

0 Comments