Marwo Kristina Svensson ayaa
tilmaantay in Bangiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ku taageerayo 100 malyan
oo doolar 12-ka bilood ee soo socda, si wax looga qabto qorsheyaasha hortebinta
u leh dowladda, iyadoo ku ammaantay Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dib u
habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa soo bandhigay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad u
siineyso kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka dhallinyarada,
waxa uuna Bangiga Adduunka ugu baaqay in kala shaqeynayo Dowladda casriyeynta
hannaanka shaqada iyo adeegyada dowladda Federaalka.
0 Comments