Griezmann ayaa soo afjaray murankii ka taagnaa mustaqbalkiisa Atletico Madrid

 

wararka ciyaaraha


Weerar yahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaa go’aamiyay mustaqbalkiisa kooxda reer Spain, kaasoo uu amaah uga soo qaatay Barcelona.
 
Griezmann ayaa bartiisa twitterka soo dhigay bartiisa gaarka ah ee barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee " Twitter " saacado ka hor, kaas oo uu ku shaaciyay in uu sii ahaan doono safka Rojiblancos inta lagu jiro xilli ciyaareedka soo socda.
 
Go’aanka xiddiga reer France ee ku saabsan mustaqbalkiisa ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar xan ah oo ku saabsan rabitaanka maamulka Atletico Madrid ee ah in ay ka takhalusaan xagaagan sabab la xidhiidha hoos u dhaca gool dhalintiisa.
 
Griezmann ayaa ka qeyb qaatay xilli ciyaareedkii dhamaaday, waana markii ugu horeysay ee amaahda, 36 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay kaliya 8 gool.
 
Qandaraaska Griezmann ee Atletico Madrid ayaa dhigaya in marka uu dhamaado sanadka labaad ee amaahda, in la dhaqaajiyo ikhtiyaarka lagu iibsan karo 40 milyan oo Yuuro, waxaana laga yaabaa inay si toos ah u dhacdo haddii Griezmann uu 50% la ciyaaro kooxda.

 

Post a Comment

0 Comments