Manchester United oo u diyaarisay lambarkii uu ku riyoonayey Erling Haaland

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa Erling Haaland u diyaarisay lambarkii uu ku riyoonayey, iyadoo macallin Ralf Rangnick uuu haatan ka shaqeynayo sidii uu xiddiga reer Norway u keeni lahaa garoonka Old Trafford suuqa bisha Janaayo ee soo aaddan ama xagaaga.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Erling Haaland la fahamsan yahay in uusan ku qanacsanayn inuu la sii joogo Kooxda Borussia Dortmund, isagoo doonaya inuu u ciyaaro koox ku guuleysan karta tartanka Champions League, si ay ugu fududaato inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or.

Wakiilka Erling Haaland ee Mino Raiola ayaa dhowaan sheegay inay la hadlayaan Borussia Dortmund oo ay isla meel-dhigi doonaan mustaqbalka xiddigan oo xagaaga foodda innagu soo haya uu shaqayn doono qodob ku jiray qandaraaskiisa oo dhigaya in 63 milyan oo gini lagula wareegi karo.

Bayern Munich, Barcelona, Real Madrid iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha doonaya inay la saxiixdaan Haaland, sidoo kale Kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa iyaguna doonaya inay beddel uga dhigtaan Kylian Mbappe haddii uu ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan oo uu u dhaqaaqo Real Madrid.

Kooxo ka badan 15-ka kooxood ee la rumeysan yahay inay doonayaan saxiixa Erling Haalanad, waxaana xitaa ku jirta kooxda Barcelona oo ka cabanaysa dhaqaale xumo.

Yeelkeede, Manchester United ayaa la warinayaa inay haatan ka mid tahay kooxaha hoggaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa Haaland, waxaana door firfircoon ka ciyaaraya Tababare Ralf Rangnick, iyagoo durba qaaday tallaabooyin ay ku keenayaan Haaland.

Waxa ay Manchester United diyaarisay lambarka uu xirashadiisa uu ku riyoodo Haaland, iyadoo qorshuhu yahay inay ku soo jiitaan, waxana uu haatan xiddigan Borussia Dortmund u xirtaa lambarka 9-aad, halka xulkiisa qaranka Norway uu u qaato lambarka 23-aad.

Lambarka 9-aad waxaa Manchester United u xirta xiddiga reer France ee Anthony Martial oo u xiran jiray lambar 11, balse iska beddelay markii Zlatan Ibrahimovich uu banneeyey lambarkaas.

Martial ayaa dhowaan u sheegay Manchester United inuu doonayo inuu ka tago Old Trafford suuqa Janaayo ee maalmaha koobani ka harsan yihiin, Sevilla ayaana noqotay kooxda ugu cad-cad saxiixa Martial, taasoo fursad u ah Manchester United oo doonaysa inay Erling Haaland u bandhigto lambarka 9aad oo ah lambarka uu aad u jecel yahay inuu xirto.

 

Post a Comment

0 Comments