Xulka Cameroon Oo Guul Ku Bilowday Koobka iyo Ethiopia Oo Guul-darro Ku Biloowday Qaramada Qaarada Africa.

ciyaaraha

A C-WARAR

Xulka qaranka Cameroon ayaa guul ku bilowday koobka Qaramada qaaarada Africa iyaga oo garaacay xulka Burkina Faso kulan xiiso lahaa.

Labada xul ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta iyaga oo mid walba dhankiisa raadinayay sidii ay u dhalin lahaayeen goolka ugu horeeya ee tartanka sanadkan.

Xulka Burkina Faso ayaa nasiib u yeeshay in ku hor maraan goolka iyaga oo daqiqiadii 24-aad u dhaliyay xiddiga Gustavo Sangare kaas oo xulkiisa u dhiibay hogaanka.

Laakiin Xulka Cameroon oo dhulkiisa lagu ciyaarayo ayaa laba jibaaray dadaalkii ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka bar-baraha.

Xulka Cameroon ayaa laba rikoodhe helay 5 daqiiqo gudohood waxana u dhaliyay xiddiga Vincent Aboubakar kaas oo xulkiisa hogaanka ugu dhiibay 5 daqiiqo gudohood.



Dhinacakale Qaranka Ethopia ayaa guul darro ku biloowday tartanka koobka qaramada afrika ka dib ciyaar ay wadaageen Cape Verde kuwaasi oo hal gool ku garaacday

Ciyraarta ayaa guud ahaan aheyd mid si u deggan inkastoo cape verde ka wacnaayeen Ethiopia

Goolka waxaa lagu helay daqiiqadii 45-aad ee dhamaadka qeybtii hore waxaana qaranka geeska afrika ka socda ku xumaayeen in kubadda cagtooda ku hayaan

Cape Verde daafac ahaan waa wacnaayeen iyaga ayaana ku sareeyay maamulka kbadda  , waxa ayna mararaka qaar gaarayaan heer dhan %58

Ethopia dhamaadkii isku dayo ayay sameeynayeen balse waxaa dilayay go`aan qaadasho deg deg ah waxaana loogu fhameeyay halkaas

 


Post a Comment

0 Comments