Fahad Yaasiin Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Taliyaha Cusub Ee NISA Mahad Salaad iyo dawlada cusub

 

Fahad Yaasiin Oo Weerar dawlada cusub

Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka,doorashadii kooxdiisa looga adkaaday iyo xilka cusub ee loo magacaabay Mahad Salaad ee ah taliyaha NISA.

Fahad Yaasiin isagoo ka hadlaya magacaabistii Taliyaha Cusub ee NISA ayuu yidhi “Madaxweyne Xasan Sheikh, Aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magcaabeen”

Wuxuu sidoo kale fariin xasaasi ah u diray Saraakiisha kala duwan ee Hay’adda NISA “Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir Qaranku leeyahay, la wadaaga Taliyaha Cusub (Mahad Salaad) wuxuu la mid yahay qof sirtii qarankiisa la wadaagay Cadowga waddanka iyo Argagaxisada” Ayuu yidhi Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin wuxuu sidoo kale dhaliilay siyaasadda Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, wuxuuna isagoo ka hadlaya yidhi “Soomaaliya halisaha ku gadaaman waxaa qayb ah shaqada Ahmed Madoobe ka hayo. Madaxda ugu saraysa Kenya, annagoo is hor fadhina oo Madoobe fadhiyo ayaan ku idhi, u sheega Madoobe in Madaxweynihiisu yahay Farmaajo ee aanu ahayn Madaxweynaha Kenya”

Wuxuu dul istaagay Kiiska Ikraan Tahliil oo kamid ah arimaha sida wayn loola xidhiidhiyo hay’adda NISA.

“Ikraan Tahliil, waan aqaanay, Waalidkeed baan aqoon u leeyahay, qoyskooda ayaan aqoon u leeyahay, sida ay u dhimatay, cidii dishay, halkii lagu dilay iyo cida iska kaashatay dilkeeda oo dhammaystirana waan u haynaa”

Ra’iisal Wasaare Rooble “Waa runtii waa Og yahay cida dishay Ikraan wuunna yaqaanaa” ayuu raaciyey hadalkiisa, waraysiga oo dhamaystiran insha allah marka lasii daayo ayaanu idiin soo gudbin doonaa.

 

Hordhaca wareysiga aan arkay waxaa uu soo muujiyey shakhsiyadda taliyihii hore ee Fahad, iyo nuuca uu ka rabay Hay’adda NISA, waxa layaab leh in taliyihii hore uu si cad ula soo istaago saxaafadda in aan xogta dowladda lala wadaagin taliye sifo sharci ah ku maamulaya Hay’adda.

Waan ogeyn in Fahad iyo kooxdiisu Shantii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeynayeen dhisitaanta dad iyo ciidan u rabayaad ah oo ugu shaqeeya si ka baxsan xeyn-daabka dowladnimada oo uu ka rajo qabo in ay amaro ka qaadanayaan iyaga oo aan wax-xil ah ka haynin dowladda.

Xogta uu leeyahay yaan lala wadaagin Mahad Salaad Kiiska AUN Ikraam iyo Aamina miyaa, ileen xogta Fahad iyo waxa uu ka shaqaynayey oo dhammaystiran waa la ogyahaye?, Su’aasha kale maxuu noogu sheegi waayey cida uu doonayo in ay xogta siiyaan haddii uu u diidey taliyihooda sharciga ahaa?

ma isaga ayaa raba in weli ay xogta ay la soo wadaagaan mise Alshabaab? Waxaa la yaab leh Fahad oo la ogyahay dalka uu u shaqeeyo iyo lacagta uu ka soo qaatay in uu naga iibiyo sirdoonadii ajnabi ayaan ka nadiifiyey hay’adda NISA.

Post a Comment

0 Comments