xildhibaanadii oo maanta la siiyey shahaadadii

Guddiga doorashada

 Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.


Xildhibaanadii ugu horreeyey oo ku dhow ilaa 60 xildhibaan ayaa maanta qaatay shahaada, iyaga oo tegay xaruntii loogu yeeray guddiga FEIT ee ku dhex-taalla garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan hotelka Airport Hotel. 


maamulka Koonfur galbeed oo uu adeegsanayo Farmaajo ayaa sheegay in guddiga heer federal uu lumiyey kalsoonidii doorashada, isla markaana ay Koonfur Galbeed faylasha xildhibaanada ku wareejineyso xoghayeyaasha labada Aqal ee barlamaanka.


Xildhibaanada qaatay waxaa ku jira qaar laga soo doortay maamuladii qaadacay guddiga ee sheegay inaanay guddiga u gudbin doonin liiska xildhibaano ee ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.


Xildhibaanada qaatay waxaa ku jira qaar laga soo doortay maamuladii qaadacay guddiga ee sheegay inaanay guddiga u gudbin doonin liiska xildhibaano ee ay ku wareejin doonaan xoghayayaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.


Xoghayaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Buux wuxuu xalay sheegay in qofkii shahaadada soo qaata inuu toos u yimaado Villa Hargeysa si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga xildhibaanimada.


Sidaad darteed xubnaha Maanta shahaadada qaatay waxay hadda u dhaqaaqi doonaan dhanka Golaha Shacabka si loo siiyo kaararkii. Uma badna in howshani dib loo celin karo, taasoo dharbaaxo ku ah dhinaca kale ee Farmaajo iyo Fahad.

Post a Comment

0 Comments