Rooble oo ka bixiyey 12 Milyan loogu gurmanayo masiibadii dabkii Hargeysa

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah qasnada dowladda looga saaro lacag kudhow 12 Milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo loogu gurmanayo dadka Somaliland ee saameysay dabkii baabi’iyay Suuqa Waaheen ee Hargeysa.


Qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay cadada lacagta oo dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) ay qeyb ka tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland ee la soo mariyo dowladda Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000  oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.


Lacagtaas ayaana ahayd deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda hormarinta Somaliland balse waxa xanibay Farmajo, fahad iyo Xasan Cali Khayre, iyagoo ka dantoodu ahayd inaanay horumar gaadhin Somaliland.


Sidoo kale Rooble wuxuu shir isugu yeeray guddoomiyaha bankiga dhexe iyo ganacsatada Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho, waxaana kulankaas gabagabadiisii looga dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan gurmadka khasaaraha ka dhashay dabkii suuqa Hargeysa.


Dabka baabi’iyay Suuqa weyn ee Waaheen ayaa qiyaasta hantida ku baaba’day lagu sheegay iney gaareyso Laba Bilyan oo doolar,  mana jirin hanti badbaaday, maadaama dabla uu socday mudo kabadan 12 saacadood oo xiriir ah.

Post a Comment

0 Comments