NISA ma waxay xalaaleysanaysaa dhiiga Raysal Wasaare Rooble

Rooble iyo NISA

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay Madaxda Qaranka la wadaageen khatar ka dhan ah, oo ay xilligan maleygayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal lagu daabacay bogga Hay’adda NISA ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Shabaabku doonayaan inay bartilmaameedsadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, weerarkaana uu qorshaha fulintiisa leeyahay nin ay magaciisa ku sheegtay Maxamed Maahir.

Weeraro ismiidaamin ka geysanaya ​​meelo kala duwan oo dalka ka tirsan oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo looga baahan yahay dowladda inay bilowdo howlgal ka dhan ah joojinta weerarrada dhaqdhaqaaqa argagixisada.

Warka NISA ayaa ku soo aaday saacado yar uun ka dib, markii Ra’iisal Wasaaruhu uu ummadda Soomaaliyeed la wadaagay inay jiraan isbaheysiyo duulaan ku soo ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si dalka looga abuuro deganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeedba.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-garsiinta, Rooble, wuxuu sheegay in ay jirtaan khatar Amni oo soo fool leh, wuxuu muujiyay dareen ah, in hay’adihi amni ee ilaalin lahaa bad-qabka muwaadiniinta ay wadaan dilal siyaasadeed oo aargoosi iyo iska hor wareejin ku qotama, sida dilkii AUN Xildhibanaan Aamino Maxamed Cabdi.

Waxaana cad Warka NISA ay ku sheegen in Alshabaab beegsanayso Raysal wasaarahu inuu yahay qorshe ay Fahad iyo Farmaajo, ay ku doonayaan in ay ku beegsadaan Ra’iisul Wasaaraha, kadibna duullaankaas dusha ka saaraan Al-Shabaab, kuna doodaan in ay hore uga digeen.

NISA, waxaa ku jira saraakiil hore uga soo baxay Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kaliya qaabilsan dabagalka iyo khaarijinta Siyaasiyiinta ka aragtida duwa Farmaajo iyo xulufadiisa, waxaana Ra’iisul Wasaaraha hore loola wadaagay khatar gaar ah oo isaga ka dhan ah, taasoo sababtay in hoggaanka NISA, kala aamin baxaan.

Sida ku cad, qoraal ay bishii October 2021, daabacday Majaladda New York Times, ee fadhigeedu yahay Mareykanka, khabiirka ugu sareeya dhanka qaraxyada ee Kooxda Al-Shabaab, waa saaxiibka Fahad Yaasiin, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cusmaan Maxamed, wuxuuna muddo kala shaqeynayay TV-ga Al-Jaziira, xaruntiisa Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments