Guddiga FEIT oo shaaciyey liiska xildhibaanada BF ayaa Fahad Yaasiin ka reebay

Fahad yasin

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ee ay soo bandhigtay, waxay ka reebtay  La-taliyaha Farmajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo loo haysto dilkii Xildhiban amino iyo Ikraan tahliil.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan

2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay

3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo

4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub inay soo doontaan ilaa labada bisha kaararka aqaansiga, waxaana lagu wadaa in la dhaariyo 14 bisha April ee 2022-ka.

Post a Comment

0 Comments