Fahad Yasin oo carqaladaynta doorashada u adeegsanaya Laftagareen iyo Guudlaawe

Fahad yasin

Gudiga FEIT ayaa ka saarey Fahad Yaasiin Liiska Xildhibaanada lasoo doortey ee lagu wado in Maanta wixii ka dambeeyay la siiyo shahaadooyinka, sidoo kalena la dhaariyo 14-ka April.

Tallaabadan ayaa loo qaaday in  Cadaaladda la hor-keeno Fahad Yaasiin, oo lagu haysto dilalkii Ikraan Tahliil iyo Xildhibaanada Amin Maxamed.

Fahad ayaa loo doorte kurisga Hop86, oo horey ugu fadhiyay Faarax C/qaadir, waxaana lagu soo doortay Beledweyne, iyadoo doorashadiisa uu hakiyay Gudiga FEIT, oo sheegay in aan loo marin nidaam saxan.

Fahad hadda xaaladda ay ku xun tahay, kadib markii uu iska dhex arki waayay Xildhibaanada Guduga FEIT uu shaaciyay Khamiistii, oo ka kooban 299, oo 54 kamid ah Aqalka Sare yihiin.

Fahad oo kaashanaya Farmaajo wuxu isku dayayyaa inuu uu kursigiisa u difaacdo, waxaana suurta-gal ah in dhiig u diidiyo sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada la dhaarinayo Bishan 14-keeda.

Sidoo kale Farmajo & Fahad Yaasiin waxay u adeegsanayaan Laftagareen(konfur Galbeed)  &  Guudlaawe(Hirshabeele) inay ku carqaladeeyaan Shahaado siinta baarlamaanka cusub & dhaarintooda, iyagoo ku xad-gudbaya go’aannadii guddiga doorashada.

Taasina waxay cadaynaysaa Tuhunkii Ahaa inay Farmaajo iyo fahad yasin doonayaan inay carqaladeeyan Shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaanada si ay doorashada dib ugu dhigaan mar kale iyo inaanay rabin inay gebi ahaanba dalka ka qabsoonto wax doorasho ah.


 

Post a Comment

0 Comments