Fahad Yaasiin oo ku fashilmay qorshayaal dhowr ah

Fahad yasin

 Taliyihii hore ee Nabad-sugidda, eedeysane, Fahad Yaasiin, ayaa ku fashilmay, dhaqan galinta dhowr qodob, si uu u helo shahaadada Xildhibaannimo oo ay u diideen Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Ra’iisul Wasaaraha ku daaban.

Fahad, wuxuu markii hore isku dayay inuu kala jabiyo Guddiga FEIT, wuxuuna soo adeejiyay Xoghayihii guud ee Guddiga, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan (Xiirane) kaas oo ka hor yimid go’aanno ka soo baxay Guddoonka, ka hor inta aan shaqada laga raacdeyn.

Fahad, wuxuu dadaal ku bixiyay, in Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, uu joojoyo bixinta Kaarka Aqoonsiga (ID CARD), oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay qaadanayeen Xildhibaannada Aqalka hoose, taasna ma hirgalin.

Mar kale, wuxuu isku dayay, inuu Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, kala heshiiyo, sidii uu u helo laha ID-ga Xildhibaannimo, hayeeshee, Xog-haye Buux, ayaa ku war galiyay in marka hore uu la yimaado shahaadada Guddiga doorashooyinka FEIT, taas oo hore loogu diiday.

Fahad ma quusan, wuxuu Madaxweynaha Koofur galbeed ku amray, inuu Xildhibaannada maamulkaas ku celiyo Baydhabo oo aysn imaan Muqdisho, hayeeshee, qaar ka mid ah ayaa shalay qaatay marqaatiga FEIT, taasoo la micno ah in qorshahaas isna dhicisoobay.

Shalay wuxuu isku dayay in la carqaladeeyo xildhibaannada shahaadada qaadanayay, waxaana lagu waabariistay jidadka muhiimka ah ee Caasimadda oo xiran, inkastoo isku daygaas noqday hal bacaad lagu sisay, kadib markii hal Xildhibaan la hor istaagi waayay.

Sidoo kale, dhamaan saraakiisha NISA, ee sanadkaan ku biiray Baarlamaanka ayuu ka hor istaagay in ay qaataan shahaadada labadii maalin ee la soo dhaafay, hayeeshee, qaar ka mid ah xubnahaas ayaa ka dhago adeegay oo FEIT guddoonsiisay shahaadada.

Dhamaan qorshayaashaas, ayaan u hirgalin sidii uu Fahad Yaasiin doonayay, taas oo ka dhigan in Kooxda waqtigu ka dhamaaday ku fashilmeen, hirgalinta hagar-daamooyin hor leh, oo ay u maleegeen daah iyo dib u dhac doorasho oo hor leh.

Farmaajo, wuxuu doonayaa inuu xaafiika Madaxweynaha ku sii jiro ilaa bisha Maarso ee sanadka danbe, halka, Fahad uu u baahan yahay aqoonsi xildhibaan si uu u helo xasaanad uu hoos gabado, waana sababta ay lug-gooyada ugu yihiin dhameystirka doorashada.

Post a Comment

0 Comments