Weerarkii labaad oo todobaadyo gudahooda lagu soo qaaday AMISOM

Amison

Al-Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ku qaaday ciidamada Uganda ee AMISOM ee deggan xerada Maslax oo ku taal xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, waxaan weerarka xigay dagaal toos ah.

weerarka uu ku billowday qoriga garabka laga rido ee Zabanka oo lagu dhuftay iridka laga galo xerada waxaana kadib xigay iska hor imaad saacad socday.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday inta uu dagaalka socday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo si weyn looga dareemay qaybo badan oo ka mid ah degmada Heliwaa ee muqdisho.

Sidoo kale waxaa mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Booliska Haramcad ee fariisinka ku leh xaafadda Suuqa Xoolaha, taas oo keentay in dagaalka uu sii xoogeysto.

Siday ay sheegeen dadka degaankuna waxa jira khasaare kala duwan, balse aysan caddeyn inta uu gaarsiisan yahay.

Wuxuna weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo todobaadyo gudahooda lagu qaado AMISOM, waxaana ka horreeyey kii lagu qaaday xerada Xalane.

weerarka ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey Muqdisho.

Sida iska cadna waxay kooxda Villa somalia u adeegsanaysa Alshabaab inay Amniga dalka ku qalqal geliso si aan loo dhamaystirin doorashada sidaasna ay Villa somalia kusii joogan.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale ayaa ka digay in magaalada Muqdisho ay ka dhici doonaan qaraxyo dad shacab ah iyo mas’uuliyiinba lagu laynayo maalmaha soo socda ayna ka danbeeyaan Farmaajo iyo Fahad yasin kuwaas ayuuna weerarkan u yahay hordhac.

Post a Comment

0 Comments