Villa Somalia oo lagu eedeeyey dilka Xildhibaan Aamina

Xildhibaan Aamina Alle ha u naxaristee

Siyaasiyiin waaweyn ayaa ka soo hadlay geerida Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo xalay lagu dilay Beledweyne, waxayna ka mideysan yihiin in dilka Aamino ay soo maleegtay kooxda Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si toos ah Farmaajo iyo Fahad yasin ugu eedeyey, sidoo xildhibaanada kala ah, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi, Macalimuu iyo bulsho kale oo aad u badan ayaa qoraalo ka soo saaray geerida Marxuum Aamino waxayna isku raaceen in dilka ay soo maleegeen Faraamjo iyo kooxdiisu.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa caadi ah miyaa in dadka dhaliila Villa Somalia ay dilaan Al-Shabaab. Miyaan aqbalnaa oo horey u soconaa? Hadda yaa ah Al-Shabaab. Khaarijintaan waxaa fuliyey Villa Somalia, wax kale ma jiraan. Allah ha u naxariisto xildhibaan Aamina.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Aamino waxay aheyd shakhsi dulmiga diiday, caddaaladda u hiilliyay una taagnaa difaaca xuquuqda muwaadinka, taasina waxay ka dhigtay geesiyad ku nool damiirka shacabka Soomaaliyeed. Maanta ayaan ka digay weerarrada abaabulan ee lagu beegsanayo dadka dulmiga diiday ee difaacayay xuquuqda muwaadiniinta, si loo cabsi geliyo inta aamusan, ama ku fekeraysa in doorashada soo socota ay isbeddel ka u hiiliyaan.”

Xildhibaan Mahad Salaad wuxu yiri, “Ikraan Tahliil way marjiyeen, Aamino way isku miidaamiyeen, shaki maleh inay laba Shabaab wada shaqeeyaan.”

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa isna yiri, “Aamina ka sokow in ay aheyd haweeney aqoonyahan ah , dhiirran, u taagneyd Difaaca iyo u qareemidda gabdhaha hadane waxa ay aheyd Macalin iyo barbaariso. 10 sano ka hor wareysi aan ka qaaday waxa ay dhiirrigalineysay waxbarashada gabdhaha. Waa in si dhab ah loo baaraa ,loona soo helaa dhagar qabayaashii ka danbeeyay dilka Xildhibaanadda.”

Hadaba Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisu waa in ay qaadaan tallaabooyin masuuliyinta amniga  gacanta laga gelinayo kuwa  argagexisada la shaqaynaya ama ku hawlan fulinta ajandayaasha shakhsiga ah waa Farmaajo iyo Fahad yasine. Haddii aydaan qaadi karin, dadka yaaney hoosaasin ee ha u caddeeyaan in aanay awoodin si laysaga dhiciyo Argigixisada kale.

Post a Comment

0 Comments