Villa somalia oo la ogaaday inay carqaladeeyaan Amniga dalka si Doorashaduna dib u dhacdo

Farmajo & Rooble

labadii weerar ee argagixiso ee ka kala dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waa weerarkii toos ka ahaa ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xerada Xalane oo uu ku yaal garoonka Aadan Cadde ayna degan tahay AMISOM iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ay ku dileen xildhibaan Amino mohmaed cabdi.

waxa shaki geliyey duruufaha iyo ujeedooyinka ka dambeeya heer siyaasadeed iyo mid shacab, iyadoo lagu soo beegay xilli weli ay dalka ka socdaan doorashooyinka baarlamaanka, isla markaana dalka uu ka socdo diyaar garow doorasho oo madaxweyne ah oo dalka ka dhici doonta xilliyada soo socda.

Shakigaas ka dib cadaatay in Farmaajo iyo Kooxdiisu ka danbeeyeen Werarkaas si ay u carqaladeeyan Amniga dalka sidoo kale Doorashaduna dib u dhacdo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa rumeysan inuu xiriir ka dhaxeeyo weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Xildhibaanad Amina Maxamed Cabdi, iyo weerarkii lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed uu soo saaray ayuu Roobley ku sheegay in labada dhacdo "ay uga dan lahaayeen in lagu carqaladeeyo doorashada laguna cabsi geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka," isagoo ku sifeeyay sida ay wax u dhaceen dambi la soo agaasimay, marka loo eego xilliga lagu soo beegay, shaqsiyaadka iyo goobaha la beegsaday.

Ra’iisul Wasaare Muxamed Xuseen Roobley ayaa ammaan u jeediyay Xildhibaanadii hore, Amina Maxamed, oo Beledweyne u timid si ay uga qeybgasho doorashada baarlamaanka, wuxuuna yiri: “Waxay ahayd mid ku dayasho mudan oo ay shacabka u matasho, una difaacdo caddaaladda iyo xuquuqda muwaadinka”.

Waxa kale oo la ogaaday Madaxwaynihii hore Farmaajo iyo Fahad yasin oo ah shaqaalaha Qatar marnaba kama shaqeeyan danta dalka ee mar walba waxay ka shaqeeyaan carqaladeynta amniga, xasilloonida iyo hannaanka doorashada si Qatar ugu sii gurato khayraadkeena xatooyo.

Post a Comment

0 Comments