Villa Somalia oo dagaal ka gashay hadalkii Safiirka Qatar u fadhiya Ethiopia ka yidhi Somaliland

Safiirada Qatar iyo Somaliland ee itoobiya

 Dawladda VillaSomalia ayaa jawaab cadho iyo dhaleecayn iskugu jirta ka bixisay qoraal uu Twitterka soo dhigay  safiirka Qadar u fadhiya dalka Itoobiya Xamad Al-Doosari oo uu ku sheegay inuu la kulmay safiirka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Axmed u fadhiya Itoobiya.

Qoraalkan ayaa dhawr saacadood ka dib laga saaray barta uu safiirka Al-Dosari ku leeyahay Twitterka kadib markii calaacalku ka dhamaaday wasiirka Arimadaha debadda ee Somalia.

Wasaaradda Arrimahan Debedda Somalia, ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambaaraynayso hadalkii Safiirka Qatar u jooga Addis Ababa bartiisa Twittetka kusoo qoray.

waxaadna moodaa in Qatar si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay Jamhuuriyad gooni ka ah Soomaaliya, madamo Safiirka Qatar u jooga Addis Ababa bartiisa Twittetka kaga hadlay kulan uu la yeeshay Safiirka Somaliland, oo uu ku sheegay inay Somaliland dal tahay.

Hadaba Madamo uu farmaajo saxiib dhow la yahay Dawlada qatar ayna ka bixisay dhaqaalihii uu isku soo sharxay hadana garab taagan tahay ma laga yaabaa inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo Farmaajo lala galay oo ujeedkiisu yahay in la ictiraafo Somaliland?

Hindisahan hadii Qatar ku Aqoonsanayso somaliland, taasoo ay raban inay ku xaqiijiyaan intuu jiro xukunka Farmaajo, hadaba waa in la dedejiyo doorashada si xaaladdu aysan faraha uga bixin.

Post a Comment

0 Comments