Sanbaloolshe oo dib ugu soo laabtay Golaha Shacabka

Sanbalooshe

 Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shalay kusoo baxay kursiga #HOP058. Doorasho Beledweyne ka dhacday oo ay 7 xubnood ku loolameyn ayuu taliyihii hore ee NISA ku adkaaday wareegga hore isagoo helay 54 cod.

Dadka la tartamay Sanbaloolshe waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Musharixii horey ugu fadhiyey kursigaan Nuur Iidow Beyle ayaa ka haray tartanka kadib markii la furay kursiga. 

  Sanbaloolshe ayaa kursigaan waayey kadib markii uu Farmaajo u magacaabay taliyaha NISA horaantii bishii April ee sanadkii 2017.

Waa wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya iyo safiirkii hore ee UK, kamid noqoday baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale Farmaajo wuxu ka shaqeeyey inuu xasaanad usameeyo saraakiishii NISA ee kula jiray inuu shacabka cabudhiyo iyo dilalkii shakhsiyaadkii uu arkeyey inay kasoo horjeedan Qorshayaashisa 5 sano ee ay dalka ariminayey si ay uga badbaadan in dambiyo lagu soo oogo ka dib la maxakamadeeyo kuwaas ay ka mid yihiin hoggaamiyeyaashii NISA intii uu Farmaajo xukunka hayey, waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Yaasiin Farey.

Balse Sanbaloolshe wuxu ka tirsan yahay xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh wuxuu Afartii Sano ee ugu dambeysay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday nidaamka keligii taliska ah ee Farmaajo.

Farmaajo Iyo Fahad waxay Ka Argagaxeen Doorashada Sanbaloolshe.

Post a Comment

0 Comments