Rooble wuxu sheegay in Xildhibaan Amina ay dishay gacantii ka dambeysay dilkii Ikraan Tahliil

Rooble

Kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan, ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen, inta badan shaqsiyaadka indhaha u ah bulshada caasimadda, ayaa si weyn loogu duceeyay marxuumad Aamino, waxaana si mug leh loo xusay, kaalinteedee shaqo, siyaasad iyo u adeegid bulshaba.

Kulanka, waxaa soo qaban qaabiyay Xisbiga Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, [UPD] kaas oo ay xubin muhiim ah ka ahyd, AUN, Xildhibaan Aamino, waxaana ka soo qeyb galay, RW Rooble, Madaxweynayaal hore iyo madax kale.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si weyn kaga gaddisnaa hadallada kale, wuxuuna sheegay xogo hor leh, oo sii xoojisay in ay Aamino dileen Kooxda Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan.

Rooble, wuxuu si aan ganbasho lahayn u sheegay in loogu hanjabay dilka aamino, kadib markii isaga iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, hor istaageen in kursiga HOP135, loo xiro shaqsiyaad gaar ah, wuxuuna xusay in ay dileen Kooxdii Ikraan dhishay.

Ra’iisul Wasaaruhu, wuxuu muujiyay in dalku ku jiro marxalad adag oo amnigu ugu horreeyo, taas oo khatar galineysa nolosha qof kasta oo Soomaali ah, oo xita isagu ka mid yahay, wuxuuse ballan qaaday in aan la laga hari doonin danbiilayaasha.

Post a Comment

0 Comments