Qaramada Midoobe oo Canbaaraysay dilkii xildhibaan Aamina

James Swan

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay qaraxyadii xalay gilgilay magaalada  Beledweyne, kuwaas oo  mid ka mid ahaana lagu dilay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaana cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne,

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in baaris lagu sameeyey dilka Aamino Maxamed Cabdi Iyadoo dabada ku hayo dilkani cadaalad u raadintii Ikraan Tahliil.

wayna cadahay inay weerarkan Alshabaab u adeegsadeen Farmaajo iyo Fahad yasin oo lagu tuhunsanaa Dilkii IKraan Tahliil waxayna aaminsan yihiin inay cadaalada ku damin karaan dhiiga iyo xumaan

dadka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo dheg nugul waxayna fahmeen in Qorshayaasha Farmaajo iyo Fahad yasin, waxayna ka shaqayn doonan sidii ay u gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.

Sidoo kale waxaana geerida Aamino Maxamed ay si weyn u taabatay Ummadda Soomaaliyeed, iyada oo lagu xasuusto kiiskii Ikraan Tahliil Faarax oo dartiis loogu magac daray Hooyadii Cadaaladda.

Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horey ay ugu fadhisay.

Post a Comment

0 Comments