Mareykanka oo kordhiyey mas’uuliyiinta Soomaalida ee uu xayiraada kusoo rogay

Antony Blinken

Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee lagu soo rogay xayiraadaha dal-ku-galka (Visa), sababo la xiriria dib u dhaca mar kale ku yimid in lasoo geba-gebeeyo doorashada golaha shacabka

xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku yiri Kadib guul-darradii dowladda Soomaaliya ee aheyd inay kasoo baxdo waqtiga ay u qabatay ee 15-ka March inay kusoo geba-gebeyso hanaanka doorashada baarlamanka, dowladda Mareykanku waxay ballaarineysaa liiska shaqsiyaadka Soomaalida ee la saaray xayiraadaha Visa.

Waxaan qaadayaa tallaabadan aniga oo raacaya siyaasaddii aan ku dhawaaqay 8-dii Febraayo, ayada oo la raacayo Qeybta 212(a)(3)(C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda, si aan u xaddido bixinta Visa-ha ee kuwa la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin, ama qeyb ka yihiin carqaladeynta hannaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Waxaa la rumeysan yahay in shaqsiyaadkaas ay ka mid yahiin Farmaajo, Fahad yasin, xasan cali khayre iyo Mahdi guuleed waxayna ogaanayaan marka ay dalbadaan Visa Mareykan ah. 

Blinken waxa uu sheegay in inkasta oo uu dhiiri-gelinayo horumarka la sameeyey dhowrkii toddobaad ee tegay, haddana weli ay jiraan kuraas baarlaman oo aan weli la dooran. 

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan qiimeynta ku-daris dheeri ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo hababka kale ee ay heli karaan, si ay sare ugu qaadaan la-xisaabtanka iyo taageerida dhameystir deg deg ah oo lagu sameeyo hanaanka doorashada Soomaaliya, ayada oo loo marayo hab la sku haleyn karo oo daah-furan. 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoogga saarayso taageerada shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an inay ka shaqeyso sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada laba dhinac

Post a Comment

0 Comments