Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn ka dhan ah shaqsiyaadka ka shaqaynaya dib u dhigista doorashada baarlamaanka

US and Somalia

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa balaarisay liiska xayiraadda madaxda Soomaalida ee lagu eedeeyey caqabadeynta doorashada baarlamaanka. 

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in tallaabadan cunaqabataynta lagu saaray madaxda somalida ay ku saabsaneyd in sida qeybta 212 ee qodobka (a) faqradda (3) iyo (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha Mareykanka uu qorayo, in la xadidayo bixinta fiisaha kuwa la rumeysan yahay iney mas'uul ka yihiin, ama carqaladeynayaan hannaanka doorashada dimuqraadiyadda ee baarlamaanka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Farmaajo iyo taageerayaashiisa ugu waaweyn.

Waxey intaa ku dartay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka in horumaro dhiiri gelin leh la sameeyey toddobaadkii lasoo dhaafey, haddana wali waxaa jira kuraas badan oo kamid ah baarlamaanka oo aanay wali dhicin doorahadooda iyo degaano aan doorasho weli ka qabsoomin sida Garbahaarey oo Farmaajo iyo kooxdiisu ay ka shaqaynayaan inaan doorasho ka qabsoomin
haday ka dhacdana ay iyagu booban 16 kursi ee yaala.

Waxaa jira oo kale degaano kale oo ay wali ka jiraan qaladaad iyo isdaba marin la xiriira habraaca doorashada sida beledwayne oo Farmaajo iyo kooxdiisu carqalad ku yihiin dhamaystiranka doorashadaas.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo qiimeynta siyaasadda haatan socota, iyadoo qoraalka soo baxey lagu caddeeyey taageerada is xisaabinta iyo gaba gabeynta hannaanka doorashada Soomaaliya oo deg deg ah, si lagu kalsoonaan karo oo hufan.

Go'aanka Maraykanku wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo la fulinayo hanjabaadii hore ee Maraykanku u jeediyay bilihii la soo dhaafay si ay cunaqabatayn ugu soo rogaan cid kasta oo wax u dhimaysa hannaanka doorashada.

Hadaba Cunaqabatayntan lagu soo rogay Kooxda Farmaajo ma u sahlaysa guddida doorashadu inay dhamaystiraan doorashada baarlamanka?!

Post a Comment

0 Comments