Madaxweynihii hore iyo aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa laga hor-istaagay in uu u duulo Baydhabo.

Farmaajo iyo Shariif xasan

 Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayay Farmaajo iyo laftagareen ka hor-istaageen in uu ka duulo magaalada Muqdisho xilli uu ku wajahnaa Baydhabo.

maadama uu kamid ahaa musharraxiinta u tartameysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

Safarka laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ka dambeeyay farmaajo oo adeegsanaya madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen si kursigaas ay ugu soo baxaan kooxda Farmaajo.

Is-hortaagga lagu sameeyey Shariif Xasan ayaa kusoo aaday saacado uun kadib, kadib markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay u fasaxday inuu u ambabaxo Baydhabo, waxaana loo ogolaaday hub fudud, gaar ahaan 7 qoray oo AK47 ah 7 bistoolad, balse waxaa talaabadan ka horyimid maamulka Lafta Gareen oo soo saaray amarka lagu celiyey.

Inkastoo Shariif Xasan uu ka mid ah yahay mucaaradka, haddana waaa aas aasaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaasi.

xayiraadda lagu sameeyey socdaalka Shariif Xasan ayaa daba socota go’aanno horey Farmaajo isagoo adeegsanaya Laftagareen ugu hor istaagay siyaasiyiin uu ka mid yahay guddoomiye ku xigeekii hore ee Golaha Shacabka oo loo diiday Baraawe oo lagu qabtay doorashada kursigii uu ku fadhiyey.

Haldooradaas kale ayaa sidoo kale loo diiday inay metelaan deegaanadooda, meeshoodina la saartay dad aan ka shaqeynayn danta deegaanada kuraasta leh.

Farmaajo iyo kooxdiisu waxay u socdaan inay musuqmaasuqan doorashada oo dhan tasina dalka ayay u horseedi kartaa burbur.

Post a Comment

0 Comments