Indha-Cadde oo sheegay in shirqool lala damacsan yahay musharaxinta Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

General Indho cade

Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha Cadde” ayaa digniin kasoo saaray weeraro hor leh oo uu sheegay in la rabo in lagu qaarijiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo dad badanoo kale.

Indha Cadde wuxu yiri “Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur dad ay ka mid yihiin inay bartilmaameed yihiin oo la rabo in la qarxiyo iyo dad badan, wax badan ayaa socda oo hay’addaha amniga mid ka mid ah ay wado, hay’addihii amniga iyo Shabaabkana waa isku milmeen, waana wada shaqeeyaan,” .

Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi inuu ahaa mid laga shaqeeyay oo ay ka danbeeyeen Farmaajo iyo Fahad yasin oo adeegsanaya Alshabaab iyo laamaha amniga oo wada shaqaynaya.

Indha Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada weerarkaasi uu ahaa in la aamusiyo caddaalada kiiska Ikraan Tahliil.

sidoo kale Ujeedada ayu uku sheegay in lagu carqaladeeyo arrimaha doorashada iyo in dalka lagu qaban karin iyo sidoo kale iyadoo laga jawaabaayo dhoolatuskii socodka ahaa ee ra’iisul wasaaraha iyo safiirka Mareykanka ku sameeyeen aaga garoonka ee weerarka ka dhacay.

Hadalka Yuusuf Indha Cadde ayaa xaqiijiyey hay’adda NISA iyo Alshabaab wada shaqeeyaan. Hadalkaan ayaa sii xoojinaayo tuhumo badan oo Villa Somalia iyo NISA laga qabay.

Hadaba Farmaajo  iyo Fahad yasin qorshihooda ugu weyni waa inay dil ku abaal mariyaan cid kasta oo uu u arkaan inay hortaagan tahay musharaxnimadooda iyo Xafiiska sii joogaan, ka shacab ahaan waa inaan is hortagnaa inay sii joogan Villa somalia oo aynu qaban qaabinaa muduharaado si dalka iyo dadkuba u badbaadan

Post a Comment

0 Comments