Heshiiska ay kala saxiixdeen DF iyo QATAR oo Shaki la geliyey

Qatar iyo Somalia

Warsaxaafaddeed kasoo baxay Dawladda Soomaaliya lagu dhahay Soomaaliya iyo Qadar oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo ku saabsan dhanka Waxbarashada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qadar oo uu kaga qayb galayo Shirka Madasha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay'adda Qatar Fund.

Waxayna sheegeen Heshiiskan Is-afgaradka ah uu yahay mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaaliyeed kuwaas oo aan fursadda u helin in ay aadan dugsiyada, ayada oo sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaallanka heerka jahliga ee bulshada Soomaaliyeed.

Balse waxay u muuqataa in Farmaajo iyo fahad yasin soo dhex marsanayaan dhaqaalihii ay ku musuqmaasuqi lahaayeen doorashada oo ay ka teegarayso Qatar.

Hadaba Dal ka shaqaynaya Xasuuqa shacabkaaga Maalgelinayana Alshabaab caqli gal ma tahay inuu kaa caawiyo waxbarashada?

Suasha is waydinta mudan waxay tahay waa maxay sababta Qatar u doonayso Burburka somalia?

Post a Comment

0 Comments