Garoonka Muqdisho oo xaalad amni hakad gelin gaaray duulimaadyada

Adan cade Airport

Warbixin lasoo gaarsiiyay laamaha ammaanka ee gudaha garoonka ayaa argagax iyo cabsi ku beeray dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo banaankaba, kadib markii lagu soo wargeliyay in kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen dhinaca Afisyooni ee garoonka iyo cabsi kale oo laga muujiyay weeraro ka dhaca iridka laga galo garoonka.

Warbixintaasi kadib isku dhex yaac dhalisay ayaa garoonka qarka u saarmay in la joojiyo duulimaadyada imaanayay iyo kuwii baxayayba.

Ciidamada kala duwan ee ammaanka ayaa kusoo aruuray gudaha garoonka, waxayna sameeyeen howlgal iyo in dadkii ku sugnaa gudaha garoonka iyo bannaankiisaba loo digo, lana mariyay baaritaan aad u adag

Falkaasi qalqalka abuuray ayaa waxay ka danbeysay hay’adda NISA oo ka digeysay in qof ismiidaamiye ah uu beegsanayo mid ka mid ah gaadiidka shirkadda SAHAL ee daabula shaqaalaha garoonka Muqdisho.

Dhinaca kale, sirdoonka shisheeye ee ku sugan gudaha Xalane ayaa ka digay weeraro la mid ah kii ka dhacay gudaha garoonka Muqdisho todobaadkii hore oo lagu beegsaday qeybta Marina Gate ee ajaaniibta degan yihiin iyo weerarkii Baladweyne.

Waxa sidoo kale muuqata inuu Farmaajo wado howlgalo cusub oo lagu beegsanayo beesha caalamka, ujeeddada uu Farmajo ka lee yahayna waa sidii uu dalka uga saari lahaa beesha caalamka si ay ugu fududaato fulinta qorshahiisa in loo kordhiyo xukunka.

Post a Comment

0 Comments