Farmaajo oo ka shaqaynaya Qorshaha isbaheysi siyaasadeed oo ka dhaca Baydhaba

Farmaajo

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirta hadal heyn ku saabsan isbaheysi siyaasadeed oo dhex mari kara Beelaha Koonfur Galbeed hormuudka u ah iyo kuwa reer Waqooyiga ah.

Ujeedka isbaheysiga ayaa ahaa inay wax ka badalaan saami qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli labada xil ee Raysul Wasaaraha iyo madaxweynaha ay Hawiye iyo Daarood kala qaataan.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in la badalo saami qeybsiga kuraasta sare ee dalka laguma guuleysan, sababtuna waxaa loo arkaa in labada beelood ee inta badan qeybsata xilalka madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay mid walba ku adag tahay inay ka shaqeyso majaxaabin beeleysan oo beesha kale ka dhan ah.

Dadka qaar ay u dhigayeen ujeedka shirka in beesha hoggaamisa Koonfur Galbeed ay rabto in laga wareejiyo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka,

Hadana Ma jirto sabab ay reer waqooyiga ugu ololeeyaan dan cid kale,  waa inay jirtaa wax ay qolo kasta ay hiigsaneyso oo laga shaqeeyo.

Balse Laftagareen ayaa la xaqiijiyey inuu shirka u badalay olole loo sameynayo dib u doorashada Farmaajo.

Waxaa shirkaas lagu casuumay Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane. 

markii la ogaaday inuu Farmaajo tagayo shirkaas waxa bilaabatay dood cusub oo ah in loo socdo danta hal musharax.

Mahad Khadar Guuleed ooFarmaajo la shaqeysta iyo xubno ku dhow dhow ayaa isku dayaya in taageerayaashooda ay ku qanciyaan inay shirka tagaan.

Farmaajo-na  wuxuu rabaa inuu shirkaas uu kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, sidoo kale maalmo soo joogo Baydhaba iyo inuu xildhibaanada mid mid u arko, uuna ballan lasoo galo.

Sidoo kale Farmaajo wuxuna qabaa aragti ah in haddii Laftagareen uu ku guuleysto inuu xildhibaanadiisa iyo kuwa reer Waqooyiga isugu geeyo Baydhaba inay faa’ido weyn u tahay ololahiisa uuna helayo aqlabiyad damaanad qaada in mar kale la doorto.

Post a Comment

0 Comments