Farmaajo iyo Fahad oo raba inay Cabdiraxmaan Dheere ka dhigaan taliyaha NISA balse Rooble uu ka diiday.

Cabdiraxmaan dheere

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo ayaa wada qorshe uu ku magacaabayo agaasime cusub oo ay yeelato hay'adda NISA, maadama Agaasimaha KMG ah ee hay'addaas uu hadda yahay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Hay’adda ayaa waxaa hadda agaasimne ku-meel gaar ah ka ah Yaasiin Farey, balse Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyey in la magacaabo agaasime ay isku raacsan yihiin, maadaama Yaasiin Farey lagu tiriyo dhanka madaxweynaha.

C/raxmaan Dheere oo kursigii xildhibaannimo ku waayay daba socoshada Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayay rabaan inay u magacaabaan Agaasimaha cusub ee hay'adda NISA.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diidan in xilkaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo si aad ah ugu dhow Fahad iyo Farmaajo, taas kasii dhigi karta inay sii ahaan doonaan maamulka NISA ayna ku qarin doonan siro danbiyo ay galeen.

Balse Cabdiraxmaan Dheere ayaa billaabay inuu xildhibaano ku dhow Rooble kala hadlay inay xilkamsoo ogoleysiiyaan ra’iisul wasaaraha maadaama madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay horey ugu heshiiyeen in cidda loo magacaabayo xilkaas uu noqdo qof ay isla ogol yihiin labadooda

Cabdiraxman Dheere oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin ayaa ahaan jirey xildhibaan ka tirsanaa aqalka hoose ee Barlamanka Federalka Soomaaliya balse xiligaan degaan doorashadiisa Jubaland ayaa loo diidey in dib looga soo doorto, taasi oo meel cidlo ah kusoo riday. 

Diidmada Raysal wasaaruhuna waxay salka ku haysaa Cabdiraxmaan dheere wuxu ka mid yahay kooxda Fahad Yaasiin iyo Farmaajo sida Yaasiin Farey waxayna u adeegsadaan inay ku fuliyaan falalkooda sharci darada ahaa sida dilalka cid walba ay u arkaan inay qorshahooda kasoo horjeedo.

Post a Comment

0 Comments