Farmaajo Fahad yaasiin iyo saraakiil NISA ka tirsan oo laga dacweeyey maxkamadda dembiyada adduunka ee ICC

Farmaajo

Korneyl Cabdullaahi Nasri oo ahaa sarkaal ka tirsan sirdoonka Jubbaland, horayna loogu xiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga Muqdisho uu maxkamad caalami ah kula tiigsanayo Farmaajo iyo saraakiishii u qaabilsaneed sirdoonka.

Cabdullahi ayaa sheegay in Farmaajo, Fahad Yaasiin, Cabdullahi Kullane, Yaasiin Farey, Cabdiraxmaan Dheere, Ibraahim Macalin iyo Axmed Carab oo dhamaantood ahaa saraakiishii NISA ee xabsiga ku dhibaateysay uu ku dacweeyey maxkamadda dembiyada adduunka ee ICC.

Sarkaalkaan ayaa horay muuqaaladiisa loogu baahiyey barnaamijka Hanoolaato, isagoo ka sheekeyey tacadiyadii ay NISA ugu geysatay godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lugaha uu ka naafoobay.

Korneyl Cabdullahi wuxuu sheegay in qorshihii koowaad ee maxkamadda ICC uu cadeymaha dhibaatadii loo geystay ugu gudbilahaa uu meel fiican u marayo.

Sidoo kale wuxu sheegay in safaarado badan oo reer Galbeed ah ay la soo xariireen oo uu la kulmay, Waxaana uu ka codsaday inay cadaaladda igu garab istaagaan, anigoo sarkaal Soomaaliyeed ah oo la igu dhibaateeyey awoodii dowladnimada ay ayagu taageeraan.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay ku caan baxeen dilal qorsheysan iyo jir dil ay u geysanayaan dhammaan dadka kasoo horjeeda xukunkooda keli taliska ah wayna mudan yihiin in laga qabto dalka iyo dadkaba intaanay dhamayn ama dalka burburin

Post a Comment

0 Comments