Damaca Farmaajo iyo Fahad Yasiin ayaa u muuqda mid markale dib u dhigaya doorashada

Farmaajo iyo Fahad yasin

Qaswade Farmaajo iyo xulafadiisa oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin ayaa maalmihii dambe qalaalase doorasho ka bilaabay magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Labadaan magaalo oo ah deegaan doorashada 2-aad ee maamulada Jubbaland iyo HirShabelle ayaa waxaa xiligaan ka taagan xiisad adag, ayada oo hakad ku jirto doorashadii kuraastii taalay labadaas deegaan, midaasi oo horseed u tahay xulafada Farmaajo-Fahad.

Maamulka Garbahaarey ee taabacsan Farmaajo iyo Fahad yasiin ayaa diiday in halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay qiimeynta Garbahaarey.

Go’aankan lagu qasayo doorashada dagaanka Garbahaarey ayaa waxaa ka dambeeya xulafada Farmaajo-Fahada oo rabta inay siday rabto u maamulato kuraasta halkaas taalla.

Sidoo kale, Beledweyne ayaa waxaa la hakiyay doorashada 11 kursi oo ku harsanaa, kadib markii uu khilaaf hanaanka doorashada uu ka dhex qarxay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Yuusuf Dabageed ayay Farmaajo iyo Fahad, u adeegsanayaan inuu kuraasta u xiro xubnaha ay wataan.

Xiisada Beledwayne ayaa laga cabsi qabaa in uu dagaal isu rogo, haddii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay isku dayaan inay bililiqaystaan ​​kuraasta sida adag oo la isku hayo, maadaama ay ku sugan yihiin musharaxiin ka soo horjeeda oo qaarkood hubeysan yihiin.

Damacan Farmaajo iyo Fahad yasin ayaa u muuqda mid markale doorashada ku keenaya dib-u-dhac kale, iyagoo qalaalase doorasho ka wadaan labada magaalo ee Beledwayne iyo Garbahaaray kuraasta taalana raba inay booban.

Iyadoo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Isniintii soo cusbooneysiisay digniinteeda ku aadan in maal-gelinta Soomaaliya la jari dooni haddii Farmaajo sii waddo in dib loo dhigi doorashooyinka.

Hay’adda IMF oo fadhigeedu yahay Washington ayaa bishii Maarso 2020 ku dhowaaqday dayn ka qafiifin loo sameynayo Soomaaliya, ayada oo loo marayo barnaamijka dalalka saboolka ah ee dayntu la degtay ee loo yaqaan HIPC, taasi oo deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo ah 5.2 bilyan oo dollar kusoo koobeysa kaliya 557 milyan oo dollar, marka lasoo afjaro isbddelada.

Waxay sidoo kale IMF xilligaas ansixisay xirmo dhaqaale oo saddex sano ah oo ka kooban 395.5 milyan oo dollar oo lagu caawinayo Soomaaliya.

Hase yeeshee, haddii aan la helin maamul cusub oo bedela xukumada Farmaajo ee wakhtigeedu dhamaaday lakin Villa somalia iska dhex fadhida, qeybna ka noqda dib u eegista lagu sameynayo horumarka isbeddelada dhaqaale ee dalka, dhammaan qorshayaashaas ayaa daaqadda ka bixin doono siday sheegtay IMF.

Post a Comment

0 Comments