Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga Farmaajo ee Fahad Yaasiin ayaa waayey kursigi uu ku fadhiyey 12 sano

Cabdiraxman dheere

Waxaa magaalada Kismaayo ee Jubbaland lagu qabtay doorashada kursi, Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa loo doortay kursiga HOP#124 oo uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere oo ah gacan yaraha la-taliyaha amniga Farmaajo ee Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa si rasmi ah u waayey kursigaan oo uu ku fadhiyey 12-kii sano ee lasoo dhaafay, waxuuna waayahaan waday isku dayo iyo dadaallo, si dib loogu soo doorto HOP#124, balse Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dagaal culus uu kala dhaxeeyo kooxda Farmaajo ayaa taas ka hor istaagay.

Sidaas ayuuna ku Fashilmay damicii Farmaajo iyo Fahad yasin ee inay soo saartaan Cabdiraxmaan dheere.

kursiga HOP#124 oo uu ku fadhiyey Cabdiraxmaan Dheere ayaa waxa loo doortay Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif, ka dib markii Cabdiraxmaan Dheere, isagoo xildhibaan ah oo beel dhan baarlamaanka ku metela uu ku shaqeynayey 5-tii sano ee lasoo dhaafay Kaarka sarkaal ka tirsan NISA, sidoo kale waxuu mar isku dayey inuu kursiga kasoo wareejiyo deegaan doorashada Kismaayo ee u raro Garbahaarey, balse waxaa kasoo horjeestay beeshiisa oo ku gacan seyrtay damaciisa ah in kursigaas loo weeciyo magaalo kale.

Sidoo kale Fahad Yaasiin ayaa isku dayey in uu Axmed Madoobe ku bixiyo lacag lagu qiyaasay 3 milyan oo dollar si uu ugu xidho kursigaas Cabdiraxmaan Dheere, balse Ahmed Madoobe waa uu ku gacan seyray.

Post a Comment

0 Comments