Booqashada Farmaajo ee Qatar

Farmaajo

 Dowladda Qatar ayaa shaacisay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu  ku wajahan yahay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

 Axaddana ay balansan yihiin Farmaajo inuu la kulmo Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani

Taasina waxay cadayn buuxda u tahay in Farmaajo uu Qatar u aaday sidii uu usoo heli lahaa Kharash uu ku musuqmaasuqo kuraasta doorashada ka hartay, si uu mar kale villa somalia ugu soo nqodo.

Sidoo kale Farmaajo wuxu u aaday dalka Qatar sidii uu uga shaqayn lahaa soo celin lahaa askartii kasoo dagaalmay tigreega inta ka hadhay ee hada jooga dalka Ereteriya, iyadoo Qatar ay bixin doonto dhaqaalaha ay ku laabanayaan iyo mushaarkooda, Farmaajona rabo inuu u adeegsado boobka doorashada

Dowladda Qatar ayaa aad u taageerta xukunka Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

Iyagoo uga faaiidaysana inuu u qabto ama u fududeeyo wixi uga baahdaan somalia sida gurashada khayraadka dalkeena.

Farmaajo kama shaqaynayo danta dalka iyo dadka ee wuxu ka shaqaynayaa dano shisheeye

Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalka Qatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dalkaas,

mucaaradka Soomaaliya ayaa aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, ayna rabaan inay dalka gacanta ku hayaan si ay waxay doonan uga samaysan karaan waana sababta ay Farmaajo u doonayaan inuu usoo noqdo.


Post a Comment

0 Comments