Beelo si adag uga diiday in uu fara-gelin ku sameeyo Qoorqoor kuraastooda magalada Galkacayo

Qoorqoor

Xiisad xoogan ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug, taasi oo salka ku haysa hab maamulka kuraas kamid ah kuwa Golaha Shacabka ee taalla magaaladaas.

Waxaana qeybo kamid ah magaalada fariisimo ka sameystay ciidamo kasoo jeeda beesha sacad, kuwaasi oo ka gadoodsan qaabka uu Qoor-Qoor u maamulayo kuraasta harsan ee beeshooda.

Qoor-Qoor oo ku sugan Gaalkacyo ayaa waxay beesha Sacad si adag uga diiday in uu fara-gelin ku sameeyo kuraastooda, oo uu rabay inay kusoo baxaan xubno kooxda Farmaajo ah.

Qoorqoor ayaana Odoyaashii iyo reeraha kuraasta la dooranayo lahaa hortooda uu uga hadaaqay inay soo xushaan ergada 65% ka mid ah, inta kalena asagu uu soo qorayo! hadaba Waxa la isweydiinayaa asagu ma oday dhaqameed beesha ka tirsan baa?

Beesha ayaa sheegtay inay ilaalinayaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo doorashada cida baarlamaanka ku matalaysa.

Hadaba Qoor Qoor ayaa dalbaday ciidan difaaca, kadib markii ay Gaalkacyo ku hareeyeen ciidamo gadoodsan, kuwaas oo gadiid dagaal dul dhigay gurigiisa.

Ciidankan oo ka gadoodsan hanaanka loo maamulayo doorashada kuraas taalla Gaalkacyo oo uu qoorqoor rabo inuu u xidho kooxda farmaajo.

Qoorqoor wuxu dalbaday ciidan xoog leh oo ka tirsan Gor Gor oo yimaada Gaalkacyo, si ay u difaacaan Qoor Qoor.

Hadaba Qoorqoor ma wuxu galmudug u gelinayaa mugdi iyo dagaalo ka qarxaan inuu kooxda Farmaajo u boobo doorashada??!

Post a Comment

0 Comments