Maxaa ka dhaxeeya raristii ciidamada ee beledwayne iyo weeraradan joogtada ah ee Alshabaab


 Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay isku haleynayaan Al-Shabaab in ay weeraraan magaalada Muqdisho iyo gobolka Banaadir inta lagu jiro xilliga doorashada si uu kursiga ugu sii fadhiyo Farmaajo sidoo kale u khalkhal geliyo doorashada dalka ka socota.

Iyadoo Saraha Ceymiska ee u dhexeeya DaaruSalaam iyo Yaashiid ayaa lagu garaacay Sabanno (Hubka Culus), kooxdii halkaas weerartay ayaa goobta ka tagay iyagoo aan qabin wax baqdin ah.

Xalay iyo Haben horena waxaa aad u Liita Ammaanka magaaladda Muqdisho.

Sidoo kale Degmadda Kaxda ee Muqdisho oo Haben hore la weeraray ayaa mar kale dagaal toos ah ku soo qaaday Kooxda Alshabaab inkastoo in xaalku uusan u adkeyn sidii hore.

Amniga Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, Farmaajo ciidamadii ka hortegi lahaa weerarada Alshabaab wuxu geeyey dowlad goboleedyada si ay ugu musuq maasuqa doorashada Kuraasta halkaas taala.

Haddaba maxay tahay ujeedka Farmaajo ee ah inuu u adeegsado Al-shabaab inuu ku weeraro Muqdisho oo ah meesha kaliya ee ay dowladdu maamusho, ma wuxu Al-shabaab la doonayaa inay Muqdisho la wareegto dalka haddii uu kursiga ku waayo??!


Post a Comment

0 Comments