MAREYKANKA oo xayiraad uu kusoo rogay madax Somalida kadib dib u dhacii doorashada

Antony Blinken

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii mamnuucday in mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad kale oo Soomaali ah ay u safraan Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay “waxyeeleynayaan hannaanka dimuqraadiyadda” Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda Visa-ha kadib markii Golaha wadatashiga qaran ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii.

Go’aanka Washington ayaa yimid kadib markii lagu guuldarreystay waqtigii ay u qabatay madaxda Soomaalida inay kusoo geba-gebeeyaan doorashada Golaha Shacabka, oo aheyd 25-ka Febraayo.

Blinken ma shaacin magacyada shakhsiyaadkan, balse waxaa macquul ah in si gaar ah ayaga loogu wargeliyey.

Al-Shabaab ayay u adeegsanayaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin weerarada iyo qaraxyada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, si ay caqabad ugu noqdaan doorashada, waxaana bartamihii bishii hore ee Feberaayo, weerar is-miidaamin ah lala beegsaday bas ay saarnaayeen ergooyin doorasho, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof magaalada Muqdisho, inkasta oo ergadia wax dhaawac ah aanu soo gaarin.

Farmaajo ayaa waxaas oo dhan u sameynaya si uu u carqaladeeyo doorashada si uu xilka ugu sii hayo taasina waxay keenaysaa in cunaqabatayntu sii korodho.

Hadaba Soomaaliya ma qaadi karto cunaqabatayn, gaar ahaan xaaladda ay ku jirto dhaqaale la,aanta dawlada, Alshabaab iyo abaarta daran ee dalka ku dhufatay. 

Sidaa daraadeed Shacabka somaliyeed ha ugu baaqaan Farmaajo inuu is casilo si aanu cunaqabatayn tan kasii daran dalka aanu ugu horseedin

Post a Comment

0 Comments