IMF soo saartay digniin ah inay joojinayaan lacagaha ku baxa barnaamijyada ay ka taageeraan Soomaaliya haddii uu sii socdo dib u dhaca doorashadu


 Shir balaaran oo ku saabsan arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa u furmay dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

 Shirkaan waxa uu soconayaa 22-kii bishaan laga soo bilaabo ilaa 8-da bisha soo socota, waxaad halkaas ka garan kartaan ahmiyada shirkaan oo ka balaaran kuwii horay u dhex-mari jiray dowladda Soomaaliya iyo hey’adda lacagta aduunka.

Shirkaan ayaa ku soo aaday xilli ay IMF soo saartay digniin ah inay joojin doonaan lacagaha ku baxa barnaamijyada ay taageeraan ee Soomaaliya, markii la gaaro bisha May, haddii uu sii socdo dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

 shirkana waxa diiradda lagu saarayaa wixii dhanka maaliyadda Soomaaliya uga qabsoomay sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo qeybaha dambe ee shirkana lagu odorosi doono koboca maaliyadeed ee Soomaaliya ay sameyn karto sanadka soo socda.

Hadaba musuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marinta doorashada ee Farmaajo ayaa caqabad weyn ku ah Soomaaliya xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo midka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Farmaajo ma joojin doonaa Dib u dhigista doorashada ee uu u adeegsanayo maamulada daacada u ah si aan dhaqalaha lagu saacido somalia aan looga goosan?!

Post a Comment

0 Comments