Guudlaawe wuxu u boobay doorashadii Jawhar taageerayaasha Farmaajo


Guudlaawe wuxu u boobay doorashadii 6-dii kursi ee Jawhar taageerayaasha Farmaajo iyagoo kuwii la tartamayeyna si toos ah ayaa looga reebay tartanka.

Sida Baarliin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ee HOP#097 ayaa Guudlaawe si toos uga reebay tartanka, kadib markii uu hor dhigay dhowr jid-gooyo, si ay kursiga ugu soo noqoto khadija oo taagerta Farmaajo.

Caqabada ugu weyn ee la hor dhigay ayaa aheyd inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar, islamarkaana ay geysay guddiga odayaashii dhaqanka beesha, halka Khadiija ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baarliin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Hase yeeshee ugu dambeyntii guudlaawe iyo kooxdiisa ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Sida ay ku bilaabatay doorashada HirShabelle ee Golaha Shacabka ayaa muujineyso in Cali Guudlaawe uu ka leexday dhabihii uu horey ugu wajahay doorashadii Aqalka Sare oo aad loogu boggaadiyey

Waxaana Heshiis dhex maray Farmaajo iyo Guudlaawe ayaa ahaa in Guudlaawe u boobo doorashada Jowhar, isaguna uu awood ciidan ku musuqmaasuqi doono kuraasta taala beledwayne.

Post a Comment

0 Comments