Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ka yeeshay xayiraadii Mareykanka


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa yeeshay kulan deg deg ah kadib markii Mareykanka uu soo rogay xayiraad la saaray mas’uuliyiin Soomaaliya.

Kulanka oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

golahu wuxu isku dayayaa inay doorashada Golaha Shacabka dhammeeyaan kahor 25-ka Febraayo, oo ah muddada uu u qabtay Mareykanka, taasi oo ay naga xigto maalmo aan badnayn.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sabab u ah in Mareekanku ay billaabeen inay cunaqabatayn ku soo rogaan Somalia kadib markii isaga iyo Kooxdiisu ay sii wateen musuq-maasuqa iyo dib u dhigista doorashada, taas oo sababi karta in beesha calamka oodhana ay kuso rogaan cunaqabatay iyadoo dalku ku jiro xaalad adag iyo mid abaareedba.

5 sano ee Farmaajo uu Wadanka xukumayey ayaa sabab u noqday in xaaladda Somalia ay xumaato dhinac walba, hadii xafiiska sii joogana wuxu sababi doonaa mid kasii xun mida hada Somalia ku jirto.

Post a Comment

0 Comments