Farmaajo wuxu isku dayeyaa sidii uu kursiga u dhaafin lahaa cid walba oo ka soo horjeeda.


 Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyey xilliga la qabanayo doorashada laba ka mid ah kuraasta sida aadka ah isha loogu hayo ee golaha shacabka.

Labada kursi ee doorashadooda la shaaciyey ayaa kala ah HOP#40 oo loo xiray Cabdullaahi Aadan Kulane iyo HOP#138 oo uu u tartamayo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kursiga HOP#40 ayaa horey u ahaa mid ay dumar ku fahdisay balse waxaa hadda loo soo wareejiyey rag, si loo siiyo Kulane oo ka mid ah saraakiisha saree e hay’adda NISA.

halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshiisa ee HOP#138 uu farmaajo isku dayayo inuu ka hor-istaago, wuxuuna waddaa dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha uu uga saaro Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

koox guddiga kamid ah oo weli gacan saar la leh Farmaajo ayaana soo saaray warqad ay toos ugu abaareen kuraasta HOPP#138 oo ay sheegeen in loo baahan yahay in Kursigaas laga dhigo kooto Dumar.

Farmaajo wuxu rabaa in kursiga uu u tartamayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Kursigiisa Dumar laga dhigo ama inuu noqdo kursi dacwo ku furan tahay oo illaa doorashada la is daba socdo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamkuna way kasoo horjeedaan qorshaha Farmaajo iyo Qoorqoor ku doonayaan inay cid walba oo ka soo horjeeda Farmaajo ka reeban doorashada Galmudug

Post a Comment

0 Comments